Hesperian Health Guides

Dhawrka Saacadood ee Xiga

In this chapter:

Ugu yaraan saacad ama laba saacadood dhalshada kaddib marka uu ilmuhu naas-nuugo oo aad hubsato in hooyadu aysan dhiig baxeyn oo ay ladan tahay, sii daawo kasta oo loo baahdo oo si taxaddar leh u baar ilmaha kasoo bilow madaxa ilaa faraha lugaha si aad u aragto inay jiraan wax dhibaato ah oo u baahan in laga feejignaado. Ha u oggolaan in ilmuhu qabow haleelo inta aad baareyso.

Daawooyinka loogu tallogalay ilmaha dhashay

Haddey hooyadu qabto jabto ama kalaamiidiya (waa laba la is qaadsiiyo oo ku dhaca cowradda), kani waxaa la qaadsiin karaa ilmaha indhahooda marka ay dhalanayaan, waxa uuna sababayaa dhibaatooyin daran ee indhaha iyo arag la’aan. Waa arrin ku caan ah haweenka inay qaadaan caabuqyada cowradda lammana yaqaano. Haddey hooyadu qabto jabto ama kalaamiidiya (waa laba la is qaadsiiyo oo ku dhaca cowradda), kani waxaa la qaadsiin karaa ilmaha indhahooda marka ay dhalanayaan, waxa uuna sababayaa dhibaatooyin daran ee indhaha iyo arag la’aan. Waa arrin ku caan ah haweenka inay qaadaan caabuqyada cowradda lammana yaqaano. Habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo jabtada ama kalaamiidiya ayaan ku dhicin ilmaha indhahoodaa waa in raga iyo haweenka labadooduba laga baaro lagana daweeyo caabuqyadan galmada la isugu gudbiyo. Si aad wax uga barato calaamadaha caabuqyadan iyo daawadooduba eeg Dhibaatooyinka Cowrada iyo Caabuqyada. Si looga hortago caabuqa indhaha ku dahca ee laga qaado jabtada ama kalaamiidiya, ku shub in yar oo erythromycin ah ama bamaatada tetracycline il kasta oo ilmaha leeyahay saacad ama laba saac gudahooda kaddib markay dhashaan.

Meelaha hepatitis B ama kaankarada beerka ku dhoco caan ku yahay, waa mid xikmad badan in la siiyo talaalka hepatitis B kaddib maalinta ugu horreysa ay dhashaan. Tani waxay ka hortagi doontaa faafida hepatitis B ee laga qaaday hooyada oo ilmaha u gudubtay. Waxaa kaloo caan ah haweenka qaba hepatitits B lammana yaqaano.

Baarista ilmaha

NWTND Newb Page 6-1.png
  • Miyuu ilmahan u egyahay sida ilmaha kale?
  • Miyey xubnaha jirkeeda bidix iyo midig siman yihiin, qaab ahaan, iyo meel ahaan?
  • Maqaarkeeda kaamil ma wada yahay? Ka fiiri gaar ahaan dhabarka hoose. Mararka qaar waxaa jira furnaansho yar meeshaasoo u baahan qaliin isla markaas.
  • Miyey cowradeedu caadi tahay? (Bararsanaanta maalinta koowaad waa caadi halis ma aha.)
  • Miyey kaadisay? Ilmaha ma kaadin karaan maalinta koowaad. Laakin waa inay sii daysaa kaadi marar badan maalinta labaad iyo intaa kaddib dhawrkii saacadoodba. Haddii in ku filan aysan kaadin, ama haddii kaadideedu ay midab mugdi tahay oo ur xoog badan leedahay, waxay u baahan tahay nuujin badan. Ama waa dhif, waxay qabi kartaa dhibaato xagga kilyaheeda ah.
  • Miyuu ilmuhu saxaroodeen? Haddii aysan saxaroon, xiro gacmo gashi si tartiib ah futada u geli faryaradaada si aad u hubiso inayan xirneen. Haddii aysan god jirin waxay u baahan tahay qaliin.


Farqiyada qaarkood muhiim ma aha, qaarna waxay noqon karaan calaamadaha dhibaatooyinka halista ah. Hadduu ilmuhu leeyahay hal farqi, waxaad ogaataa waxaa kaloo jiri kara kuwo kale oo mararka qaarkood waxay ku yaalaan jirka gudihiisa. U daawo ilmahan si aad ugu dhow ee neefsashada, midabka iyo kaadida caadiga ah.

Qaabka madaxa

ilmo dibnaha sare jeexan.

Waa caadi in ilmaha madaxooda ay noqdaan mid fiiqan oo kale ama barar weyn lahaado, sidan oo kale, gaar ahaan fooshu ku dheeraato. Dhawr maalmood gudahooda bararku wuu ba'ayaa.

NWTND Newb Page 7-3.png
Hematoma

Ilmaha qaarkood waxay ka dhiig baxaan maqaarka dhakadda. waxaa loogu yeeraa (hematoma) meel dhiig guntumay ee jirka ka soo buuran. Waxaad dareemeysaa inay jilicsan tahay markaad riixdo. Kuwani ma aha halis, laakin waxay qaadan kartaa bil ama ka badan inay ba'aan.

Dibnaha sare oo jeexan iyo dibnaha iyo ciridka oo jeexan

a baby with a cleft lip.

Kala qeybsanaan dibnaha (dibno jeexan, faruuran) way fududahay in la arko. Kala qeybsanaanta afka qeybtiisa sare (ciridka jeexan) in badan ma muuqdo. Far nadiifsan geli afka ilmaha si aad u dareento haddii qeybta sare ay xiran tahay. Halista ilmaha faruuran iyo kuwa ciridka jeexan ayaa waxay tahay waxaa ku adag naas-nuujinta.

Si loo naas-nuujiyo, iskuday inaad far ku daboosho faruurta jeexan, sidaa darteed waxaa shirmaya afka ee naaska ku daboolan. Kuwa ciridka jeexan, ibta u saar meesha madooban hareeraheeda (cambaruufka) gudaha u geli ilmaha afkooda ee halka dhinac ee faruuran. Haddii ilmuhu weli dhib ku qabaan, caanaha naaska ku sii qaado nadiif ah ama dhibciye ilaa uu ka koro oo uu ka awoodo inuu jaqo. Quudi in badan sidaa darteed wuu ladnaanayaa. Si aad u barato sida gacanta looga soo liso caanaha ee qaado ku quudinta - guji halkan.

Faruurnaashaha waa la sameyn karaa iyadoo qaliin lagu sameynao 3 biood kaddib. Cirid jeexnaanshaha waa la sameyn karaa iyadoo qaliin lagu sameynao 1 sano kadib. Waddamo badan qaliinadan waxaa lagu sameeyaa bilaash waxay farqi weyn u sameyn kartaa nolosha ilmaha. Weydii rug caafimaad ama isbitaal wixii macluumaad ah.

sawirka hoose: hubinta miskaha kala qaloocsan.

Miskaha kala baxsan, miskaha ka baxsan xubinta, (dysplasia) xubin jirka oo si xad dhaaf ah u weynaata

Qaar caruurta ka mid ah waxay ku dhashaan miskaha oo kala baxsan - lugta waxaay ka baxsan tahay xubinteeda ee ku taala lafta masigta. Inta badan, tani waxay ku sameysantaa dhawr maalmood ama dhawr usbuuc.

Qalooci lugaha sidaa darteed waxaad qaban kartaa labada bowdadood lugaha hoose oo wadajira. Ku hay farahaagga foodooda ilmaha miskahooda. Kaddib wareeji hal lug markiiba si tartiib ah u wareeji - banaanka, hareeraha, hoose, iyo gadaal. Haddii ay hal lug xilli hore joojiso, dhifatin, ama "qac" markaad kala furto, waa uu kala bixi karaa.

haweeney xambaarsan ilmo oo u kala jeedsan lugihiisa labada dhinac.
Weydii hooyadda inay u qaado ilmaheeda ayagoo lugaha ay u kala furan yihiin, sidan oo kale. Baar ilmaha mar kale laba usbuuc gudahooda. Haddii weli aad daremayso ama maqleyso dhifatin ama "qac," raadso caawinaad. Dabagal fudud oo lagu hayo ilmaha lugahooda furan ilaa dhawr usbuuc waxay ka hortagi kartaa naafonimo cimrigiisa ah.
ilmo lugtiisa jeeso kab ugu duuban.
ilmo lugahooda qaloocan

Cag kabaal

Haddii ilmaha dhashay cagtooda ay gudaha u qaloocan tahay ama ay tahay qaabka qaldan (kabaaleed), iskuday inaad u qaloociso booska saxa ah. Haddii aad tani si sahlan u sameyn karin, sidan ku celceli marar badan maalin kasta. Cagaha (ama cagta) waa inay si tartiib ah u kortaa oo caadi ah. Haddii aadan si sahlan u qaloocin karin cagta ilmaha u kaxeey xarunta caafimaadka dhawrka maalmood uu dhashay gudahooda. Cagtiisa waa in lagu toosiyaa jeesada kabka. Haddii xilli hore la sameeyey, jeesada kabka waxay ka hortagtaa qaliinka ama naafonimo timaada hadhow dambe.

Faraha ama suulasha dheeriga ah

sawirka hoose: far yar oo dheeri ah oo xarig ku xiran.

Far yar ama suul dheeri ah, oo aan gudaheeda laf ku jirin, waa la saari karaa adigoo ku dhuujinaya xarig. Way qalaleysaa oo go'eysaa. Haddii farta ama suulka uu ka weyn yahay ama uu laf leeyahay, ma sababeyso dhib, waxaadna si ammaan ah ugu tegi kartaa meesheeda.

Xuub sameyska yar ee u dhexeeya suulasha faraha sidan oo kale dhib ma aha.
NWTND Newb Page 8-5.png

Haddii laba farood ama in ka badan ay isku dhegan yihiin, waxay u baahanayaan qaliin si ay si sax ah ugu shaqeyaan.

Dhimaalka

Naafo saameysa fikirka ama barashada waa laga yaabaa inay muuqato sida ugu dhasiyaha badan ee ilmuhu u dhashaan, ama lama garowsan karo ilaa ilmuhu ka weynaadaan. Dhimaalku waxa uu caan ku yahay sababayaana maskax gaabni. Ilmaha qaba dhimaalka waxay qaarkood ama dhammaanba leeyihiin calaamadahaan:

NWTND Newb Page 9-1.png
Indhaha oo kor u janjeera
Weji fidsan
Keliya hal xariiq ku jiidan calaacasha
Dheg yar oo ku leh laabmid maqaarka kore
Muruq kala yar
NWTND Newb Page 9-2.png
Meel bannaan oo ballaaran inta u dhexeyso suulka 1aad iyo ka 2aad
wiil isticmaalaya ulaha lagu boodo isagoo haya gabar garbihiisa saaran; gabadhi waxay haysaa astaan.
Raadi xoogagga ilmo kasta.

Dhimaalka ma sababo waxba, hooyada ama cid kale. Haddii haweeneyda ay ka weyn tahay 35 sano jir markay uur qaado, waxaa laga yaabaa ilmaheeda inay qabaadaan. Ilmahan sidoo kale waxay u baahan yihiin is jaceylka iyo feejignaanta la siiyo sida ilmaha kale oo idil, iiyo waxqabadyo qaar oo fudud ayaa ka caawin karta inay wax bartaan.

Daryeelidda caruurta naafadda ah

In badan oo ka mid ah farqiga jirka kaa soo sababa dhibaatooyinka caruurta ayaa lagu daweyn karaa guriga waxaa daweyn kara qoyska ayagoo caawinaadka ka haysta shaqaale caafimaad. Laga yaabee inay ka muhiimsan tahay daawa kasta oo caafimaad in kastoo, caruurta naafada ay u baahan yihiin jaceyl, feeejignaan, waqti cayaarsiin, waqti waxbarasho, iyo masuuliyad, sida ilmaha kale. Raadi hadiyadaha iyo xirfadaha uu cunug kasta keenay.

Habka ugu wanaagsan ee aad ku daryeeleyso difaaceyso caruurta waa inaad daryeesho hooyooyinkooda.

Ciladaha aadka u daran ee dhashada

Ciladaha qaar ee dhashada aad bay u daran yihiin waxay u horseedayaan geeri ku timaadda ilmaha. Tani waxay qoyska iyo beeshuba u tahay xilli xannuun badan. Ka shaqaale caafimaad ahaan, waxaad ka caawin kartaa qoyska inaad kala sheekeysato murugadooda iyo khasaarahooda.

NWTND Newb Page 10-1.png

Nadiifinta iyo dhayida ilmaha

NWTND Newb Page 11-1.png
Hooyooyin badan waxay doonayaan inay ka badbaadiyaan ilmahooda hawada xun waxayna ku daboolaan dhar badan ama buste. Tani waxay ilmaha u keeni kartaa kuleyl daran! Hal maro oo lagu dado ayaa ku filan.

Ka tirtir dhiig kasta iyo saxarada koowaad ee ilmaha (walax madow oo dheg-dhegga leh waxaa loogu yeeraa mal) laakin ha u meyrin. Maalin ama saddex maalin kaddib, qoysku waa inay u meyraan ilmaha si joogto ah si ay uga nadiifiyaan caanaha, firdhadka, wasaqda iyo saxarrada.

Markaad u lebiseyso ilmaha, isticmaal maryo badan sida dadka waaweyn ay ugu baahan yihiin oo kale, oo la jira 1 maro oo lagu dado. Wixii usbuuca koowaad ama labaad, dabool madaxa ilmaha - waxay luminayaan kul faro badan oo madaxooda kasoo baxa. Ka bedel dharka ama xafaayadaha sida ugu dhaqsiyaha badan markay qoyaanba ama ay saxaro ku wasaqoobaan. Hadduu maqaarku guduuto ama ay jiraan finanyo yar yar oo xafaayda hoosteeda ah, daa oo ka qaad marada ama xafaayada si ay uga caawinto ba'aan.