Hesperian Health Guides

Si Joogto ah u Fiiri Ilmaha muddada 2da Bilood ee ugu Horeysa

In this chapter:

NWTND Newb Page 11-2.png

Umulisada ama shaqaale caafimaad kale waa inuu sii wadaa inuu ilaaliyo hooyada iyo ilmaha dhalashada kaddib. Hooyooyinka iyo ilmaha waxay iman karaan rugaha caafimaadka si loo baaro, laakin markay suurtogal tahay baarista koowaad waa in lagu sameeyaa guriga sidaa darteed uma baahna inay u safraan ama ilmaha u soo bandhigmaan dadka jirran ee rugta caafimaadka jooga. Baaris ku samee ilmaha iyo hooyada maalin kaddib dhalashada, 3 maalmood kaddib dhalashada, iyo 1 usbuuc kaddib dhalashada. Booqasho kale oo 6 usbuuc ah ayaa ah mid caawinaad buuxdo leh. Booqo inta badan haddii ay jiraan wax calaamado dhibaato ah. Booqashada jooogtadada ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu garowsan karo dhibaatooyinka caafimaadka ka hor inteysan noqon mid halis badan.