Hesperian Health Guides

Si loo joojiyo dhiig baxa ilmaha dhashay

Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta: Daawooyinka

Fiitamiin K, phytomenadione, phytonadione


Jirka waxa uu isticmaalaa fiitamiin K si uu u xinjireeyo dhiiga una u joojiyo dhiig baxa. Laakiin ilmuhu waxa ay la dhashaan ayagoon qabin in badan oo fiitamiin K ah, sidaa darteed haddii sababaha qaarkood ay billaabaan inay dhiig baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu xadka uga bixi karaa. Haddii ilmo dhashay dhiig bax billaabaan qeyb kasta oo jirkiisa ka mid ah (afka, xudunta, dabada), waxaad siin kartaa fiitamiin K si ay ugu hortagto dhiig baxa baaxada leh. Waxaad kaloo siin kartaa fiitamiin K ilmo kasta oo yar xilligooda ka hor dhashay (oo ka yar 2kg) si looga hortago dhiig baxa sababtoo ah waxay aad ugu nugul yihiin inay dhiig baxaan.

Fiitamiin K dhiig-baxa kama joojiso caruurta ama dadka waaweyn.

Sida loo isticmaaloNBgrninject.png
Ku dur 1 mg (hal 1 mg oo cirbad ah, ama ½ oo ah 2 mg oo cirbad) oo fiitamiin K ah oo laga siiyo qeybta banaanka bowdada 2 saacadood gudahooda dhalashada kaddib.

Wax badan ha ku durin, ma caawin doonto way waxyeeleyn kartaa.