Hesperian Health Guides

Loogu talogalay Ummulow (Cabeeb, caabuq-Qamiireed)

Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta: Daawooyinka

Gentian violet, GV, crystal violet, methylrosanilinium chloride


Gentian violet waa daawo raqiis ah oo loogu tallagalay caabuqyo caabuuq-qamiireedka afka, ibta dushooda ee hooyada naas-nuujinaysa, laablaabka maqaarka ama farjiga dumarka korkiisa. Waxay kaloo ka wax ka tartaa caabuqyada bakteeriyo ee maqaarka ku dhaca.

WaxyeeleynGreen-effects-nwtnd.png

Gentian violet waa cuncuni karaa maqaarka oo waxa uu sababayaa xanuun marka loo isticmaalo afka ama farjiga haweenka. Jooji isticmaalka haddii finan ama xanuun soo siyaadiyo.

MuhiimNBgrnimportant.png

Gentian violet waxa uu wax walba u rogaa midab basali ah Wuxuu doorsoomiyaa maqaarka dhawr maalmood laakiin waxa uu si joogto ugu dhegaa dharka.

Sida loo isticmaaloNBgrneyedrop.png
Isticmaal milanta 0.5 methylrosanilinium chloride (gentian violet). Mari maqaarka dushiisa afka gudihiisa ama farjiga dumarka korkiisa 2 ama 3 jeer maalintii.
Hadduu caabuqu bilaabin ku bogsoodo laba maalmood gudahooda, iskuday daawo kale.

Nystatin


Nystatin si fiican ayey wax uga tartaa caabuqa-qamiireedka badankooda ee afka gudihiisa, ibta ama maqaarka dushooda, amaba farjiga dumarka gudihiisa ku dhaca. Waxa uu ku yimaadaa dareere oo loogu tallagalay afka, kareemo, budo ama gelin (uurdhawr) ee loogu tallagalay farjiga haweenka.

WaxyeeleynGreen-effects-nwtnd.png

Maqaarka waa uu cuncuni karaa halka nystatin loo isticmaalay. Tani waa mid aan caan aheyn. Jooji isticmaalka haddii finnan uu yeesho. Nystatin mararka qaar waxa ay sababtaa shuban.

MuhiimNBgrnimportant.png

Caabuq-qamiireedka aan ku fiicnaanin nystatin, ama ku noq noqota marara badan, laga yaabe inay noqoto calaamadda HIV.

Sida loo isticmaaloNBgrneyedrop.png
Dareeraha nystatin waxa uu ku yimaadaa 100,000 halbeeg cabbir halkii ml (ama mararka 500,000 halbeegyo cabbir halkii ml). Dadka badankooda waa inay isticmaalaan 100,000 ilaa 200,000 halbeegyo cabbir, laakiin dadka qaba HIV waxay u baahan karaan in badan sida 500,000 halbeeg cabbir halkii qiyaas-daawo-qaadasho.
Loogu tallagalay ilmaha ummulowga ku leh afka
Sii 200,000 halbeeg cabbir oo dareere ah (2 ml, oo ka yar ½ qaado), 4 jeer maalintii. Isticmaal maro nadiif ama dhibciye si aad nystatin-ka ugu faafiso gudaha afka. Ku wad daawo siinta ilaa 2 maalmood kaddib markuu caabuq-qamiireedka uu ka ba'o, ama waa uu soo laaban karaa.
Loogu tallagalay hooyooyinka naas-nuujinaya ee qaba caabuq-qamiireedka ee ibta naasaha (cuncun, guduudasho, ama xannuun)
Ku shub 100,000 ilaa 200,000 halbeeg cabbir oo kareemada, budada ama qulqulka nystatin ah, dusha ibta naasaha 4 jeer maalintii.