Hesperian Health Guides
Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta: Daawooyinka
HealthWiki > Cusub Meelaan Dhakhtari Joogin > Cutubka 27: Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta > Jeermis-dilayaasha waxay la Dagaalamaan Caabuqa
Qoraalka gudaha oo kooban
Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta: Daawooyinka
Ampicillin iyo amoxicillin:
Ampicillin iyo amoxicillin waa penicillin baaxadoodu weyn tahay, taaso micnaheedu tahay waxay dilaan noocyo badan oo bakteeriyo ah ka badan inta daawada ay disho ee ku jira bahda penicillin. Labaduba inta badan waa la isku bedelan karaa. Markaad aragto tallo-soo-jeedin ampicillin ee buuggan ku qoran, waxaad awoodi kartaa inaad isticmaasho amoxicillin meesheeda, ee caddadka daawo-qaadashada saxa ah (eeg hoose).
Ampicillin iyo amoxicillin aad bay badbaado u yihiin gaar ahaan waxtar bay u yihiin ilmaha iyo caruurta yaryar. Waxay labadooduba waxtar u leeyihiin daaweynta oofwareenka, caabuqyada dhegaha ku dhaca. Ampicillin waxaa sidoo kale waxtar ay u leedahay daaweynta qoorgooyaha iyo caabuqyo kale oo daran oo ku dhaca ilmaha dhashay.

Labadan daawo, laakin gaar ahaan ampicillin, waxaa suurowdaa inay sababto lalabo iyo shuban. Ka fogow inaad siiso ilmaha horay u shubmaayay haddaad siin karto bedelkooda jeermis-dile kale waa u door.
Saameynnadda kale ee caamka ah waa finnan. kasoo saarto, kuus kuusyo cuncun leh oo soo baxa kaddibna ba'a dhawr saacadood kaddib ayaa laga yaaba inay calaamad u tahay xasaasiyada penicillin-ta uu ilmaha ka qaaday. Jooji daawada aad ilmaha siinaysay isla markaa oo markale ha siin daawada penicillin-ta. Falcelinta xasaasiyeed ee mustaqbalka ayaa waxay noqon kartaa mid aad u daran oo xittaa halis-gelin karta nolosha. Dhibaatooyinka qaar erythromycin ayaa bedelkeeda la isticmaali karaa. Finnan siman oo u eg sidii jadeecada, ayaa inta badan bilowda usbuuc kaddib markaad bilowdo daawada aadna qaadato maalmo weyna ba'ayaan, si daruuri ah uma aha xasaasiyad. Laakiin suurogal ma aha in la ogaado hubaal ahaan haddii finnanku ku soo baxeen xasaasiyad ahaan iyo haddii kale, sidaa darteed waxaa inta badan habboon in daawada la joojiyo.

Iska caabinta daawooyinkan ayaa waxay u soo kordheysaa si caan ah. Hadba iyadoo ay ku xiran tahay meesha aad ku nooshahay, wax kama tari karaan inay la dagaalamaan jeermis ku dhaca maqaarka (staphylococcus), jabtada, jeermis keena calool xannuun (shigella), ama caabuqyo kale.

Ampicillin iyo amoxicillin waxay si fiican wax u tartaa marka afka laga qaato. Si aad ilmaha u siiso kaniiniyo ama kaabsalo, burburi kaniiniga, ama ka faaruji kaabsalaha oo kala qeybi budada si aad u hesho caddadka aad u baahan tahay. Kaddibna ku qas in yar oo caanaha naaska ah. Ku quudi ilmaha caanaha iyo daawada koob ama qaado. Ampicillin waxaa kaloo loo siin karaa cirbad ahaan, laakin waa in loo duraa xanuunada daran sida qoorgooyaha, ama marka uu ilmaha hunqaacayo ama uusan waxba liqi karin.
Sida loola isticmaalo jeermis-dilayaasha kale, waxaa jira kala duwanaansho inta ay soconeyso daawooyinkan. Sii wad daawada illaa dhammaan calaamadaha caabuqa (xumada oo ka mid tahay) ay ka ba'aan ugu yaraan 24 saac. Haddii ilmuhu uu qabo HIV, u sii daawada tiro buuxda oo maalmo la taxay ah. Sidoo kale waxaa mararka qaar jira cabbirka inta aad siinayso. Guud ahaan, sii caddad ugu hooseysa ee cabirka ilmaha caatada ah ama ku yar caabuqa daran, caddada ugu sareysana ilmaha aad buuran ama ku badan caabuqa daran.
AMOXICILLINLoogu tallagalay caabuqa ku badan ilmaha dhashay
¼ oo ah 250 mg oo kaabsalo ah AMA
½ qaado (2.5 ml) ee 125 mg/5 ml shoroobo AMA
¼ qaado (1.25 ml) oo 250 mg/5 ml shoroobo.
Loogu tallagalay caabuqa ku badan ilmaha dhashay
½ ah 250 mg oo kaabsalo ah AMA
1 qaado (5 ml) ee 125 mg/5 ml shoroobo.
Caabuqyada badan ee ilmaha dhashay sida oofwareenka ama qoorgooyaha
Ku dur daawada ka kooban ampicillin iyo gentamicin dhinaca muruqa bowddada. Eeg Daawooyinka, Baarista iyo Daaweynta (ee horu-marsan) oo loogu talogalay sida loo duro. Eeg macluumaadka ku saabsan ampicillin-ta kore, oo fiiri digniinada ku saabsan gentamicin.
Erythromycin
Erythromycin waxay ka shaqeysaa iyadoo la dagaalameysa in badan oo isla caabuqa ah sida penicillin laakiin way ka yara qaalisan tahay. Qeybo badan oo caalamka ka mid ah, erythromycin si fiican ayey uga shaqo badan tahay penicillin xaaladaha qaar ee oofwareenka. Waxaa kaloo loo isticmaali karaa gowracatada iyo xiiqdheerta.
Dadka xaasaasiyada ku ah penicillin, erythromycin bedel fiican ayey u tahay. Caabuqyo badan, waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa meeshii tetracycline.

Erythromycin waxay inta badan sababtaa lalabo iyo shuban, gaar ahaan caruurta. Ha isticmaalin 2 usbuuc wax ka badan waxay sababi kartaa cagaarshow.

0.75 ml (tani waa in ka badan ⅛ qaado) ee 250 mg/5 ml sharoobada erythyromycin, AMA
¼ kaniini ee 250 mg la burburiyey in yar oo caanaha naaska ama biyo.
Gentamicin
Gentamicin waa jeermis-dile aad u xoogan ee bahda aminoglycoside ah. Waxaa loo siin karaa oo keliya duriin ahaan ama IV (xididka dhexdiisa). Daawadan waxay dhaawici kartaa kilyaha iyo maqalka, sidaa darteed waa in loo isticmaalaa oo keliya xaaladaha deg dega ah.
Oofwareenka ama qoorgooyaha ilmaha iyo caruurta ku dhaca, sii daawo ay ka kooban tahay gentamicin iyo ampicillin.

Gentamicin waa in loo siiyaa si sax qiyaasta-daawo-qaadashada. Siinta in badan oo daawada ah waxay sababi kartaa dhaawac soo gaara kilyaha ama maqal la’aan joogto ah. Sii qiyaasta-daawo-qaadashada saxa ah ee loogu tallagaly miisaanka ilmaha-haku saleyn qiyaasta daawo-qaadashada da'da ilmaha. Hanna siin daawada gentamicin in ka badan 10 maalmood. Ka taxadir inaad si aad ah diirad u saarto daawada (10 mg/ml waxay ka fiican tahay 40 mg/ml).
Ceftriaxone
Ceftriaxone waa jeermis-dile xoogan oo loo isticmaali karo sumoobida iyo qoorgooyaha, laakiin waa xulashadiisa labaad ee loogu tallagalay caabuqyadaas waayo waa daawo halis u ah ilmaha dhashay. Ceftriaxone waxay si gaar ah waxtar ugu leedahay jabtada, oo ay ku jirto caabuqa jabtada ee indhaha ilmaha dhashay.

Daawada ceftriaxone way xannuun badnaan kartaa marka la durayo. Way fiican tahay in lagu qaso 1% oo kabaabiyo ah haddaad taqaano sida.

Ha siinin daawada ceftriaxone ilmaha ka yar 1 usbuuc jirka Ka fogeey ilmaha shinkood ka hor dhashay ama gaar ahaan kuwa dhiciska ah (haddey jiraan fursad ay horey u haysteen). Ha siinin hadduu cagaarshow qabo.

Loogu tallaogalay ilmaha dhashay ee 7 maalmood ama ka weyn jira ee qaba jabtada
Isku-celceliska la qiyaasay ee ilmaha dhashay waa ugu yaraan 3 kg, dur 150 mg.
Ilmaha dhashay ee 3 kg ah, ku dur 225 mg maalintiiba mar.
Ilmaha dhashay ee 6 kg ah, ku dur 450 mg maalintiiba mar.