Hesperian Health Guides

Naas-nuujinta

In this chapter:

NWTND Newb Page 18-1.png

Hooyadu ay markaasi ugu horreyso waxay u baahan tahay caawinaad la xiriirta naas-nuujinta. Ka caawi inay xasilnaato oo diirada ha saarto. Haku taagsato buste iyo barkin sidaa darteed waxay u fadhidaa si sare ah oo raaxo leh. Weydii qoyska ama martida inay siiyaan hooyada iyo ilmaha xoogaa isu gooni ahaadaan. Ku dhiirigeli. Naas-nuujinta waxay u noqotaa mid u fudud waqtiga iyo ku tababarashada.

Caanaha naaska waxa ay u fiican yihiin ilmaha marka loo eego kuwa qasan ama warshadeysan.


Ka fogow xanuunada, ibta dildilaacsan oo leh booska naas-nuujinta wanaagsan. U soo weeci ilmaha jirkooda oo dhan xagaa iyo hooyada sidaa darteed qoortiisa ma qaloocna. Sug ilaa uu afkiisa ka furo. Kaddib u keen naaska. Ibta iyo in badan oo meesha madoowga ku hareereysan (cambaruufka) waa inuu si qoto dheer afkiisa ugu jiraa.


NWTND Newb Page 18-3.png
Ibta si qoto dheer ha ugu jiro afka ilmaha
U hooseysii faruurta hoose
Afkaaga kala fur
Ilmaha ha loo qabto si aad ugu dhow jirka hooyada
NWTND Newb Page 18-2.png
Sidan oo kale. Sidan oo kale ma aha. Boos xun waxa uu sababi karaa xannuun ib dilaacsan.

Caanaha ugu horreeya waa sidii dahab dareere ah

Caanaha ugu horreeya, waa la yiraahdaa dambar, waxay ku soo hiladaan caddad yar, laakin waa caddadka saxa ah ee ilmaha dhashay. Caloosha ilmaha waxa ay qaadaa oo keliya dhawr qaado markiiba. Dambarka waa dheg dheg waxaa uu u egyahay hurdi xigeen, laakin inkastoo u egyahay inuu ka duwan yahay, waa cuntadda u wanaagsan ilmaha dhashay. Waxay ka kooban yihiin jir difaace - walxo oo laga sameeyey jirka hooyada oo ka difaacaaya jirka inuu caabuq haleelo. Haka daadin caanaha koowaad: waa kuwa waxtar u leh ilmaha marka loola barbardhigo daawo kasta. Naas-nuujinta 2 maalmood ee ugu horreysa waa muhiiim sidoo kale waayo waxay keenaan caanaha qaangaadhay ee hooyadu bilowdo inay soo saarto ku dhawaad 3 maalmood dhalashada kaddib. Caano badan oo ilmaha la nuujiyo, ayaa keena caano badan oo ay hooyadu sameyso.

Miyey ilmuhu helayaan caano ku filan?

Yuusan qofna kuu sheegin inaadan soo saari karin caano badan oo ku filan ilmahaaga, gaar ahaan dhawrka maalmood ee ugu horeeya marka uu jirkaaga billaabayo inuu caano soo saaro.

Sababo la xiriira cadaadis kaga imanaya dadka kale iyo iska shakin, hooyooyinka (ama ayeeyooyinka ama habaryaryaal ama kalkaalisayaal oo isku dayay inay caawiyaan) sii caanaha warshadeysan, ama mushaari, ama cunto kale la siiyo ilmaha dhashay ama ilmaha yar. Cuntooyinkan dheerigga ah waa lacag qasaarin waxayna sababi karaan shuban ku dhaca ilmaha. Shubanka waxa uu sababaa in ilmuhu miisaankoodu hoos u dhoco oo ay tabar-darnaadaan. Iyo isticmaalka cuntooyinkan dheerigga hooyada waxay ka yeelaan inay yareyso soo saarista caanaha. Sidaa darteed waxay noqoneysaa mid aad uga dhaadhacsan inaysan quudin karin ilmaheeda in ku filan naasaheeda. Haddii aad tahay shahqale caafimaad, waxaad ka hortagi kartaa dhibaatooyinkan caafimaad ee halista leh ee soo noq noqda adigoo tusinaya hooyooyinka inaad aaminsan tahay kartidooda inay naas-nuujiyaan. Ka caawi meeleynta ilmaha, laakin sidoo kale waqti sii hooyada ay isu barto sida naas-nuujinta ay u shaqeyso. Si tartiib ah ula hadal. Dulqaad yeelo.

Si aad u sameyso caano kugu filan

  • Naas-nuuji inta badan. Inta badan aad naas-nuujiso, ayey caano badan sameysmaan.
  • Cab in kugu filan oo dareero ah oo in badan cun. Quudi ilmahaaga adigoo isquudinaya.
  • Naso inta badan. Markii aabbaha iyo qoyska ka caawiyaan koox ahaan, hooyadu si ka sii fiican ayey u daryeeli kartaa ilmaheeda dhashay.

Inta badan aad naas-nuujiso, ayey caano badan sameysmaan.

Ilmaha badankooda miisaankooda ayaa hoos u dhaca usbuuca hore, taasoo ah mid caadi ah. Intaa kaddib, miisaankoo hoos u dhaca micnaheedu waxay tahay ilmuhu ma helayaan in ku filan oo ay cunnaan. Sidaa si la mid ah, ilmuhu ma kaadshaan in badan maalinta koowaad, laakin intaa kaddib waa inay billaabaan kaadin saacad kasta. Haddii ilmuhu kaadin in badan laba maalin kaddib, ma helayo caano ku filan. Laakin ka waran haddii ilmuhu uu naas-nuugayo inta badan oo uusan kaadin ama korin? Xaaladan qaalibka ah, waxaad u baahan kartaa inaad ku bedesho caano kale. Ha siin biyo sonkor ama bariis. Ha siin caano warshadeysan oo baako ku jira ilaa aad ka hubto inaad awoodo inaad siiso caddadkii laguula taliyey (biyeenta waxay sababtaa shuban iyo xanuun). Oo ha isticmaalin masaasad: way adag tahay in la nadiifiyo sidaa darteed waxay faafinaysaa jeermiska sababa shubanka.

Caanaha kale waa in la siiyaa haddey hooyadu dhimato ama ay kala joogaan ilmaheeda, ama xaaladaha qaalibka ah waxay rumeysan tahay inay caano ku filan soo saarin. Waxaad hooyo kale weydiin kartaa inay nuujiso ilmaha. Waa inay iska baartaa HIV si loo ogaado inay tani badbaado tahay, waayo HIV wuxuu ugu gudbi karaa naas-nuujinta. Xulasho kale ayaa waxay tahay in la sameeyo caanaha xoolaha oo warshadeysan:

2 qeybood oo caano lo' ama ari ah
NWTND Newb Page 20-1.png
1 qeyb oo biyo ah
1 qaado weyn oo sonkor ah

AMA
1 qeyb oo caano ido ah
1 qeyb oo biyo ah
1 qaado oo sonkor ah

AMA
2 qeybood caano la uumi-bixiyey oo qasacadeysan (aan la maceyn)
3 qeybood oo biyo ah
1 qaado oo sonkor ah

Si kooban u karkari caanaha warshadeysan si aad u disho jeermiska. Kadib ha qaboobaan oo ku quudi ilmaha koob ama qaado nadiif ah.

Gacan ku soo maalidda naaska (caano miiris)

NWTND Newb Page 20-2.png

Haddey waajib tahay inaad shaqo tagto ama aad ka tageyso ilmaha sababo kale awgood, waxaad isku dayi kartaa inaad soo maasho naaska iyo markaad baxdo qof kale ayaa siin kara caanahaaga.

  1. Farxalo oo meyr masaasadda. Karkari masaasadda haddaad awoodo.
  2. sawirka hoose: caanaha naaska oo lagu maalayo dhalo.
  3. Ku qabo farahaaga iyo suulka geeska qeybta madow ee naaska (cambaruufka). U riix xabadka. Kaddib farahaaga isla riix adigoo horey u soo warwareejinaya ibta. Isdebci oo ku fikir ilmaha marka aad soo saareyso caanaha-waxay ka caawin kartaa inay caanaha soo hiishaan.

    Caanaha naaska waxay dhawrsanaanayaan ilaa 8 saacadood haddii aysan banaanka aheyn meel aad u kulul. Way sii nagaanayaan haddii lagu xafido meel qabow.

Ummulowga

NWTND Newb Page 21-1.png
Isticmaal gabal maro yar, oo nadiif ah oo lagu duuduubay farta si uu u faafiyo daaweynta gudaha afka ilmaha geli.

Toxobta cad cad ee saaran carrabka ama gudaha dhabanada iyo carada la jirta naas-jaqida waxay noqon kartaa calaamada caabuq-qamiireed, oo loogu yeero ummulow. Caabuqan waxa uu ku faafi karaa ibta hooyada oo waxay sababi kartaa guduudasho, cuncun, iyo xanuun.

Isku day inaad raaciso ibta in yar oo khal ah, iyo kadibna biyo. Ama haddii aadan heli karin khal, iska raaci oo qalaji ibta naasaha kaddib markasta oo aad jaqsiiso. Haddii tani aysan daweyn ummulowga, ku rinjiyee in yar gentian violet naaska dushiisa 2 jeer maalintii ilaa 3 maalmood. Sidoo kale ku rinjiyee gudaha ilmaha afkooda maalintii hal mar. (Tani wax walba waxay isu bedeli doonaan midab basali ah, laakiin waa ammaan.)

Haddii gentian violet aysan caawin, sii ilmaha nystatin.

Haddii ummulowga soo noqnoqdo markale, ilmuhu waxay qabi karaan dhibaato kale oo liidinaysa awooda la dagaalanka caabuqa. Tusaale ahaan, ilmaha HIV qaba waxaa ku dhici kara ummulow in badan. Eeg HIV iyo AIDS (oo horu-marsan).

Xanuunka naaska, barar, xirnaansho, ama caabuq

NWTND Newb Page 21-2.png

Mararka qaar caanaha waxay ku gufmaan xidid (tuubo yar oo ku taala gudaha naaska oo soo qaada caanaha). Naaska waa uu bararaa, guduutaa, oo uu xanuunaa. Sida ugu dhaqsiyaha badan caabuq ayaa bilowda.

Calaamadaha:

  • Kuleyl, guduudasho, hal naas oo meel ka adkaada.
  • Xanuun naaska dhexdiisa ah marka aad naas-nuujinayso.

Haddii ay jiraan qandho, kadib xirnaanshaha xididka ayaa qaadsiinaya.

Daaweyn

  • Naso.
  • Cab dheecaanada.
  • Naas-nuuji ugu yaraan 2 saacad kasta.

Naas-nuujinta naaska caabuqa qaba waxa uu badbaado u yahay ilmaha waana habka ugu wanaagsan lagu raacin karo caabuqa.

haween masaajeenaysa naaskeeda dhaqdhaqaaq hoose marka ay naas-nuujinayso.
U isticmaal riixid adag dhaqdhaqaaq si loo masaajeeyo meesha gufan inay furanto
  • Hubso inaad u fadhi qaabkiisu fiican yahay oo naas-nuujin ku habboon. Dhammaan jirka ilmaha waa inay qaabilaan hooyada. Ilmaha afkooduna waa inuu furnaadaa, iyadoo uu ibtuna guddaha ilmaha afkooda u gasho.
  • Naas-nuuji dhinaca xanuuneysa marka hore, oo ilmuhuna ha dhammeeyeen naaskaa.
  • Diirimaad, dhar qoyan ama qubeys kulul way caawin karaan. Diiri naaska ilaa 15 ama 20 daqiiqadood, ugu yarraan 4 jeer maalintii.
    Ama, saar dhar qaboow ama caleemaha kabashka naaska dushiisa si ay uga qaadaan bararka.


Haddii ay jiraan xumad, sii erythromycin oo 250 mg ah, 4 jeer maalintii.

HIV iyo naas-nuujinta

Hadda waxaa jiraa daawooyin caafimaadiya hooyooyinka HIV qaba oo ka hortaga sidoo kale faafka faayruska uu ugu gudbayo ilmahooda. Si loo badbaadiyo haweenka iyo caruurta, haween kasta oo uur leh waa inay awoodaa inay iska baarto HIV. Oo haddii laga helana HIV, waa in la siiyaa daawooyinka HIV intey uurka leedahay, iyo intey nuujinayso ilmaha oo dhan, iyo intaa kaddib haddii ay u baahan tahay. Eeg HIV iyo AIDS (ee horu-marsan).

Ma badbaadobaa in la naas-nuujiyo markaad qabto HIV?

Daawooyinka HIV waxay ka hortagtaa faafka HIV muddada ay naas-nuujinayso. Hooyada ama ilmaha midkood waa inuu daawada qaataa maalin kasta ilaa ilmuhu ay ka naas-gooyaan. Caafimaadka ilmaha sidoo kale waa uu badbaadsan yahay iyadoo keliya la siinayo caanaha naaska 6 bilood ee ugu horreysa (ama illaa ay uga soo baxaan illkaha hore). Mushaarida ama cabitaannada kale caafimaad uma laha ilmaha.

Daawooyinka HIV ee loogu tallagalay hooyada iyo ilmaheeda waxa uu labadooduba ku dhawrayaa caafimaad.

Markaysan jirin daawooyinka HIV, waxaa halis loogu jiraa HIV inuu uga gudbo caanaha naaska. Laakin halista xannuunka kaga imaanaysa caanaha warshadeysan ayaa aad u weyn. Hooyooyinka badankooda ee qaba HIV ma haystaan biyo nadiif ah, shidaal ama lacag ay si badbaado ah ay ku helaan, ku diyaariyaan, oo ay ku siiyaan caano warshadeysan. Ilmahooda waxay u badan tahay inay noqdaan kuwo nafaqo dareysan oo shuban baa ku dhaca, oo way u dhimman karaan. Waxa tan loola jeedo waa caanaha naaska waa u badbaado-xittaa marka hooyada ama ilmaha aysan qaadaneen daawooyinka HIV.

Waxaa loogu tallagalay hooyooyinka iyo ilmaha meel kastooy joogaan, naas-nuujintu way ugu fiican tahay

Naas-nuujinta

NWTND Newb Page 23-1.png
  • Way badan tahay oo ay ka raqiisan tahay. Uma baahnid inaad soo iibsato caano warshadeysan, dhalooyin ama waxyaabo kale.
  • Waxay ka caawisaa inay joojiso dhiig baxa hooyada dhalmada kaddib.
  • Waxay ka caawisaa inay ka hortagto uurka bilaha gudahooda dhalmada kaddib.
  • Waxay ka difaaceysaa inay hooyadu ku dhoco kaankarada iyo tabardarida lafaha hadhow dambe ee nolosheeda.
  • Had iyo jeer waa ay cusub yihiin, diiran yihiin, diyaarna u yihiin in la cabbo.
  • Waxay leeyihiin dhammaan nafaqada uu ilmaha dhashay u baahan yahay.
  • Waxa uu ka caawiyaa ilmaha inuu ka hortago shubanka, oofwareenka, iyo xannuuno kale.
  • Waxa uu siiyaan badbaado waqti dheer ah looga hortagayo macaanka, xasaasiyada, iyo kaankarada hadhow dambe ee ilmaha noloshooda.
  • Waxa uu dhawranaan ku hayaa ilmaha oo waxa uu ku diiriyaa hooyada dhinaceeda.
  • Wuxuu isu keenaa hooyada iyo ilmaha inay si wadajir ah aad isugu soo dhowaadaan.
NWTND Newb Page 23-2.png