Hesperian Health Guides

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Ilmaha Dhashay

In this chapter:

Ilmo caafimaad qaba si sahlan ayey u neefsadaan, ayagoon xarbineynin. Waa in la naas-nuujiyo 2 ilaa 4 saac kasta uuna iskiisa ku soo toosaa marka uu gaajeysan yahay ama uu qoyan ku jiro. Maqaarkiisana waa inuu cad yahay, ama uu lahaadaa oo keliya guduudasho yar ama finnan oo ku ba'aya dhawr maalmood. Ilmahan sidaan sameyn waxaa dhici karta inay dhibaato jirto waana inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u helaa caawinaad.

Cudurada dadka waaweyn ku qaata maalmo ama usbuucyo ee dila waxaa uu ilmaha ku dili karaa dhawr saacadood.

Caabuq

Caabuqa ku dhacaa ilmaha dhashay waa mid aad halis u ah oo u baahan in lagu daaweeyo antibiyootik isla markaasba. Iyadoo ay ku xiran tahay inta ay ka fog yihiin xarunta caafimaadka iyo nooca daawooyinka aad haysato, waa inaad caawinaad heshaa sida ugu dhaqsiyaha badan ama isa siisaa daawo midkood - xittaa haddii ay tahay habka keliya aad ku heleyso caawinaad.

Calaamadaha halista ah:

  • Neefsasho degdeg ah: in ka badan 60 neefsasho daqiiqadii marka uu hurdayo ama uu nasasho nasanaayo.
  • Xarbinta inuu hawo helo: xabadkoo qaad qaadma, shanqarmid, sanka baalihiisa oo dadaal u furma, marka uu hurdayo ama uu nasanaayo.

NWTND Newb Page 12-1.png

xabadka oo qaad qaadma
sankoo bolola
  • Xumad, ka badan 37.5º C, ama heerkulka oo hoos u dhaca, oo ka yar 35.5º C.
  • Finnan Daran oo leh finnan badan ama nabaro. (Finana yar waa caadi.)
  • Aan la quudin.
  • Si dhif ah u soo toosa, ama u muuqda inuusan kuu jawaab celin.
  • Qalal: miirkoo doorsooma iyo dibaaxid dhaqdhaqaaq.


Mid ka mid ah calaamadahan waxay micneen karaan in ilmuhu qabaan caabuq. Haddii ilmuhu qabaan wax ka badan hal calaamad, halis badan ayuu ku jiraa oo waxa uu u baahan yahay jeermis-dile sida ugu dhaqsiyaha badan. Haddii uu qabo hal calaamad oo keliya , laakin uusan si dhaqsi badan u soo kabsaneen, wuxuu u baahan daawo.

Haddii hooyada ay qandho haysay markii ay foolaneysay, fiiro dheeraad u lahow oo ah calaamadaha halista ah ee ilmaha. Sidoo kale, ilmo ku saxarooda caloosha hooyadood gudaheeda ee minka ayaa waxay mararka qaarkood neefsan karaan saxaradan marka ay dhalanayaan. (Biyhuhu waa inay lahaadaan kafee cad cad ku jira ama u muuqda cagaar oo saxarada ka soo baxay. Ama maqaarka ilmaha ayaa wuxuu ahaan karaa bar wasaq oo hurdi ah marka uu dhalanayo.) Tani waxay sababi kartaa caabuq ku yimaada sambabadda dhawrka maalmood ee hore, sidaa darteed u diyaargarow daaweyn deg-deg ah ee ilmahan qaba calaamada ugu horreysa ee caabuqa.

Daaweyn

Dur ampicillin iyo gentamicin isla markaas. Ku wad ilaa 5 maalmood. Cadadka saxa ah ee daawada waxay ku xiran tahay miisaanka ilmaha.

Ilmuhu waa inuu ladnaan ku bilaabaa 2 maalmood gudahooda. Hadduusan kasoo reyneyn wixii intaa kaddib, jeermis-dilayaal ka duwan ayaa loo baahan yahay oo lagu badbaadiyo nolosha. Hel kaalmo caafimaad.

NWTND Newb Page 13-1.png

Ku dur daawooyinka muruqa dheer oo ku yaala dhinaca bowdada. Eeg Daawooyin, Baaris, iyo Daaweynta (oo horumarsan) sidii loo badbaadin lahaa duriino ku dur.

Oohinta

nin haya ilmo ooyaya isagaoo la hadlaya haweeyney.
Aan xanaaneeyo ilmaha inta aad nasaneyso.

Ilmaha qaar waxay ooyaan in ka badan kuwa kale. Ilmo in badan ayaa waxaa suurowda inuu FIICAN YAHAY haddii calaamadaheeda kale ay caadi yihiin. Fiiri haddii ay u neefsaneyso si caadi ah marka aysan ooyeeynin.

Ku-dhowaad oohin dhaqsi badan, oo inta badan ka daran habeenkii, waxaa la yiraahdaa mindhicir jururuqow. Waa inuu ka ladnaadaa 3 bilood ku dhawaad. Tani inta badan way ku adag tahay qoyska marka loo eego ilmaha. Naxaris u lahow hooyooyinka ugubka ah. Hubi inay helaan nasasho iyo caawinaada ay u baahan yihiin.

Hadduu ilmaha ooyo maalinta oo xittaa uusan cunin, xumadina ay hayso, ama uu dhib ku qabo neefsashada, tani waxay noqon kartaa calaamadaha caabuqa.

Hunqaac

NWTND Newb Page 14-1.png

Ilmaha waxay soo dilqaan caano. Mararka qaar waa ay badan yihiin oo waxay ka iman karaan afka ama sanka. Diliqa caanaha dhib ma laha inta badan uu ilmaha naas-jaqayo waxa uu inta badan helaa miisaan. Isku day inaad kor u hayso kaddib markuu wax cunn o. Ilmaha dhabtii waa uu hunqaacayaa haddii jidhkiisa isticmaalo xoog - bedelkii caanaha waa uu soo hunqaacayaa.

Calaamadaha halista ah:

  • Hunqaaca soo noq noqda, ama aan xajin karin wax kasta oo calooshiisa ku jiro
  • Dhiig hunqaacid
  • Leh calaamado fuuqbax
sawirka hoose: ilmo dilqaaya.
Ku hay ilmaha garabkaaga korkiisa ama jilibka oo si tartiib ah u salaax dhabarkiisa si uu u dilqo markuu wax cunno kaddib. Tani waxay ka caawinaysaa inuu soo tuuro hawo uu liqay marka uu quudanayey.

Fuuqbax (dheecaan aan ku filan jirka)

Ilmaha si sahlan ayey ku fuuq baxaan, iyo fuuq baxa ilmaha gaar ahaan waa mid qatar ah.

Sababaha

  • Shuban
  • Naas-nuujin ka yar 2 ilaa 4 saacadood kasta
  • Cunnidda ama cabidda wax kasta oo aan naaska aheyn caanaha (sida kuwa warshadeysan, mushaarida, ama biyaha)
  • Cimilo kulul

Calaamadaha:

  • Kaadi yaraansho, ama mid mugdi ah, kaadi urkeedu xoogan yahay
  • Af ama carab qalalan
  • Indho ama maqaar muuqaalkoodu liito

Laakin ilmo kasta waa uu fuuq bixi karaa.

Fuuq baxa daran waxa uu sababi karaa indhohoo god gala, dhibco quusay oo jilcan oo ku yaala madaxa kore, miisaankoo luma, iyo jawaabcelin la'aan.

NWTND Newb Page 15-1.png

Daaweyn

Calaamada ugu horreysa ee fuuq baxa, ama waa haddii ilmuhu shubmayaan ama uu hunqaacayey, naas-nuuji inta badan, in badan oo uu ilmuhu jaqi karo. U toosi ilmaha inay cabaan ugu yaraan 2 saac kasta. Waxaad kaloo siin kartaa cabitaanka fuuq celinta, hab biyo diyaarsan oo fudud oo milix iyo biyo yar ku jirto. Sii cabitaanka fuuq baxa kaddib markaad naas-nuujisay. Waxaa aad u dhif ah, hooyo nuujisa in ku filan laakin aan soo saarin caano ku filan (guji halkan).

Haddii ilmo fuuq baxay uusan billaabin inuu ka soo reeyo dhawr saacadood, hel kaalmo caafimaad si dareere loogu shubo.

Finnan

Ilmaha dhashay finnan, barbaro iyo midab maqaar kala duwan ayaa ka soo baxa oo inta badan dhib laheyn iskood ayeyna ku ba'aan. Finnanka kasoo baxa jirka hoose ee ilmaha waxaa sababa maqaarka oo la qoyan kaadi ama saxaro. Nadiifi meesha inta badan. Bedel xafaayadaha iyo maryaha qoyan sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qoyaan ama dhooqeysan. Ilmaha roon maalmaha kuleylaha, waxaad ku reebi kartaa salkiisa oo feyadan si uu u bogsoodo. Kareemada zinc oxide way caawin kartaa. Haddii dhawr maalmood ku bogsoon, waxaa suurowda inuu noqdo caabuq qamiireed. Isticmaal kareemka nystatin.

Hadduu ilmuhu qabo baxtin ama finnan badan, gaar ahaan hadduu ilmuhu u muuqdo mid xanuunsan ama xumad haysa, waxaa jiri kara caabuq. Haddii aysan billaaban inay ka soo kabmaan sida ugu dhaqsiyaha badan, ama haddii calaamadaha caabuqa uu ka sii daro, sii daawada jeermis-dilaha qoran halkan.

Cagaarshow

Maqaarka ama indhaha hurdiga waxaa loogu yeeraa cagaarshow. Ilmaha maqaarkooda mugdiga galay, ka baar indhaha. Cagaarshowga u dhexeeya maalinta labaad iyo shanaad dhalshada kaddib halis ma'aha. Daaweynta ugu fiican inta badan waa naas-nuujin. Tani waxaa ay ka caawin doontaa inay ilmuhu kiimikada soo dhaafaan oo hurdi ka dhigaya. U toosi naas-nuujinta laba saacad kasta. Ileyska qorraxda sidoo kale way ka caawisaa. Ilmaha oo qaawan ku qabo qorraxda ilaa 15 daqiiqadood ama sidoo kale, dhawr waqti maalintii.

Calaamadaha halista ah:

  • Cagaarshowga waxa uu bilowdaa isla markaa - 24 saac ugu horreeya ee nolosha.
  • Cagaarshowga mar dambe ayuu bilowdaa, laakin waxa uu faafaa jirka oo idil.
  • Ilmaha cagaarshowga qaba waa uu hurdo badan yahay, ama uma soo toosi karo inuu wax cuno.


Caawinaad u raadso calaamadahan mid ka mid ah.

Indhaha

illustration of the above: a goopy eye

Godadka yar-yar kaasoo u oggolaanaya inay illintu iyo saliida qoydo isha way joogsan kartaa sidaa darteed indhuhu way dheg-dhegayaan. Tirtir ku nadiifi maro diiran, qoyan. U isticmaal ishiiba maro kala duwan. Habkani hadey jiraan caabuq hal il qabta, kuma faafeyso isha kale.

Maqaarka daboola isha oo guduudan, bararsan oo fiish dhiig leh kaddib markuu ilmuhu jirsado 5 maalmood waxaa laga yaabaa kalaamiidiya ama caabuqa jabtada oo isha haleelay. Ilmaha afka ka sii erythromycin, adigoo u shiidaya uguna qasaya in yar oo caanaha naaska ah. Hooyada iyo aabuhuna waa in laga daweeyaa kalaamiidiya iyo jabtada. Eeg Dhibaatooyinka cowradda iyo caabuqyada (oo horumarsan). Haddii caabuqa indhaha isbedel sameyn maalin ama laba, waxaad u baahan tahay jeermis-dile kale oo looga hortago arga la’aanta. Hel kaalmo.

Boodboodada jilcan

Boodboodada jilcan oo ku taala madaxa kore waa inay noqotaa mid siman. Boodboodada jilcan oo quusta ama bararta labadooduba waa calaamadaha dhibaatooyin aad u halis daran.

NWTND Newb Page 16-3.png
NWTND Newb Page 16-2.png
Boodboodada jilcan ee quusan waa calaamada Fuuq bax. Sii in badan oo caanaha naaska ah iyo cabitaan fuuq celin. Boodboodada jilcan ee bararsan waa calaamada qoorgooyaha. Sii jeermis-dilaha.

Xudunta

Kadib markii xudunta la gooyo, dhaaf gumudka keligiisa. Ha daboolin. Ka fogey xafaayadaha iyo dharka. Ka fogow in la taabto, laakin hadey waajib noqoto in la taabto, ugu horreyn ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo. Haddii gummudka haray ama xudunta ay wasaqowdo ama sameysato dhiig qalalay, ku nadiifi saabuun iyo biyo iyo maro aad nadiif u ah.

Haddii hooyadu aysan daboolin gummudka xudunta laastiig ama maro, hubi inay nadiif tahay oo ay debecsan tahay, oo bedel marada dhawr jeer maalintii.

NWTND Newb Page 17-1.png
Ka fogeey xudunta ilmaha - oo waxay sidoo kale ka fogeynaysaa caabuqa.

Gummudka waa inuu qalalsanaadaa oo uu ku dhacaa usbuuc gudihiisa.

Haddii meesha xudunta ku yaalo hareerahiisa noqoto mid guduudan ama kulul, ama si xun u soo qurunto, ama ay sii deynayso malax, waxaa suurowda inay caabuqan tahay. Si fiican u nadiifi oo sii ilmaha amoxicillin.

Hadduu ilmuhu weji kuduudayo, uu naaska jaqi karin, ama u muuqdo inuu kagayo, gaar ahaan haddii hareeraha xudunta u muuqdaan inuu caabuqsan yahay, waxay qabi kartaa teetano. Tani waa Gurmad.