Hesperian Health Guides

Cutubka 27: Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta

HealthWiki > Cusub Meelaan Dhakhtari Joogin > Cutubka 27: Ilmaha Dhashay iyo Naas-Nuujinta

In this chapter:

Xannaaneynta Dhalashada Kaddib

Saacadda ugu horeysa ee dhalashada kaddib, waxaad ka caawin kartaa sii jiritaanka iyo caafimaadka ilmaha ee muddada dheer:

  1. Hubi inuu ilmuhu si fiican u neefsanayaan.
  2. Diiri oo qalaji, jirkeeda iyo jirka hooyadu ha is gaareen.
  3. Ka caawi inuu ilmaha billaabo naas-nuujinta.

Miyey ilmuhu si fiican u neefsanayaan?

Marka ilmaha dhashaan, iyo markaad qalajineyso oo aad afka u saareyso naaska hooyadii, fiiri si aad u aragto hadduu ilmuhu inuu si fiican u neefsanayaan. Markaad si degdeg ah u sameyso sidaa, waxaad inta badan badbaadin kartaa ilmaha aan neefsaneyn.

NWTND Newb Page 1-1.png
Lugo xoogan iyo gacno
Middab fiican

Si fiican u neefsashada, ama oohinta
NWTND Newb Page 1-2.png
Jiljileecsanaan, bajaqsan
Guduud tiq ah ama basali, ama buluug isu bedelaya, middab khafiif ah, ama bey

La xarbinta neefsiga, ama calaamo la'aanta neefsashada ama oohinta
Ilmahaan wuxuu u eg yahay inuu caafimaad qabo. Ilmahan wuxuu u baahan caawinaad deg-deg ah.


Hadduu ilmaha jilicsan yahay, buluug yahay, ama uusan neefsaneyn

Ha garaacin ilmaha.

  1. Ka saar xabka ka imaanaya afka ilmaha adigoo si tartiib ah ugu tirayo fartaada oo ku duuban gabal maro oo nadiif ah. Ama isticmaal sariingo buuran dabinta soo nuugista si xabka ay afka dibada ugu soo saarto, nadiifi sanka.
  2. sawirka kore: adigoo xabka ugu nadiifinaya farta.
    ilmo oo garkiisa ku taabanayo xabadkeeda
  3. Si adag kor iyo hoos uga salsalaax dhabarka ilmaha. Isticmaal shukumaan ama maro nadiif ah si aad isla markaa ugu diiriso uguna qalajiso ilmaha. Sidoo kale ka salsalaax salka hoose ee cagaha. Tani waa inay xanta-xanteysaa in ku filan oo ay u qaadataa neefasasho fiican oo xoogan.

    Hadduu ilmuhu weli neefsaneyn, ama uu joojiyo neefsashada waa inaad siisaa ka samato-bixinta neefsashada.


Ka samato-bixinta neefsashada

  1. Dhig ilmaha sagxad adag: miis ama dhulka. Ku xaji dhar hoosteeda oo qeyb ahaan ku dabool sidaasi ayay ku ahaaneysaa diirimaad.
  2. Xoogaa kor u yara qaad garka ilmaha, sidaasi garkeeda wuxuu in yar u janjeeraa kor, xaga saqafka. Waxay ka caawin kartaa maro yar oo la isku laabay oo la hoos dhigo garbaheeda. Tani waxay ku xajinaysaa in ay dhuunteedaa u furanto neefsashada.
  3. sawirka kore: ilmo garkiisu kor u jileecsan
    sawirka kore: ilmo garkiisu ku hayo xabadka.
    Ilmuhu waa inuu u jeestaa si toos ah, sidan oo kale. Sidan oo kale ma aha.
  4. Afkaaga kala fur. Ku dabool faruurahaaga afka iyo sanka ilmaha.
  5. wejiga ilmaha, tusaaya meesha lagu daboolayo faruurahaaga.
    Ku dabool afkaaga meesha wareegsan.
    Waxaad isticmaali kartaa bac iyo dahaar intii afkaaga.
  6. Ku afuuf hawo ilmaha. Isticmaal keliya neefsasho yar. Sii hal yar, afuuf hawo dhaqsi badan ilbiriqsi kasta 1 ama 2. Iska illaali inaadan u afuufin si adag, ama waxaad dhaawici kartaa sambabada yar-yar ee ilmaha.

    Afuufid kasta, waxaad sugtaa daqiiqad oo uu ilmaha dibada u soo neefsado.
    haweeney isu tirineysa inta u kala dhexeysa neefta.
    1 iyo...
    haweeney fikireysa marka ay hawo ku afuufeyso ilmaha.
    Neefsasho.


    Haddii hawadu u muuqan inuusan galeynin, jooji. Kor u qaad garka ilmaha si aad u xaqiijiso inuu wejigiisa ku beegan yahay si toos ah kor oo dhuuntana ugu furan tahay. Kaddib markale isku day.

    Haddii ilmuhu billaabaan inay ooyaan, ama uu neefsado ugu yaraan 30 neef daqiiqadiiba oo iskeeda ah, way FIICAN tahay hadda. Saar xabadka hooyadeeda, si ay u diiriso. Waxaa suurowda inay ladnaan doonto. Laakin indhaha ku hay dhawrka saacadood ee xiga. Miyey ilmuhu midab fiican yahay? Si fudud miyey u neefsanayaan? Haddii ilmuhu buluug noqdaan jirka iyo afka inta ku wareegsan, ama uu la xarbinayo inuu neefsado, caawinaad raadso.

    Haddii 20 daqiiqadood kaddib samato bixinta neefsiinta, ilmuhuna billaabin inuu iskeeda u neefsato, waxaa suurowda inay dhimato. Haka dheeraan qoyska waqtigan murugada. Waxay u baahan yihiin feejignaantaada iyo daryeelkaaga.

Ku diiri ilmaha - dusha jidhka hooyadood



ilmo busto ku dhex jiraan oo xabadka haweeneyda saaran.
U dhig ilmaha maqaarka-maqaarka u saaraya hooyada.
Ku dabool ilmaha madaxiisa koofi ama buste.

Ku dabool ilmaha madaxiisa koofi ama buste.

Ilmaha dhashay waa in lagu xafidaa diirimaad iyo qaleyl. Kulka ka soo baxaayo jirka hooyada waxa uu diirinayaa ilmaha. Haka kaxeyn ilmaha hooyadood si aad u soo baarto ama aad ugu soo mayrto. Ilmuhu uma baahna isla waqtigaa in loo meyro - meyriduna waxay u keentaa qabow halis badan. Ma jirto sabab loo kala kaxeeyo ilmo iyo hooyadood - ilaa aad ka siineyso neefsiin samato bixin mooyaane.

  • Qalaji ilmaha inta aad sii saareyso korka hooyadeed.
  • Ku diiri ilmaha adigoo saaraya, ayagoo qaawan, xabadka hooyadood oo feedan. Kaddibna labadooduba ku dabool buste ama maro. Sida ugu dhaqsiyaha badan uga bedel bustooyinka kuwo qalalan waayo maro qoyan waxay dhaxan u keenaysaa ilmaha.

Haddey noqoto in hooyada loo diro isbitaal, ama sababo qaarkood oo aysan ilmaha hayn karin, aabbaha ama xubin kale oo qoyska ka mid ah ayaa ilmaha ku hayn kara ayagoo maqaarka-maqaarka u saaraya.

NWTND Newb Page 5-1.png

Billow naas-nuujinta

Ilmaha waxaa laga doonayaa inay hurdaan ugu yaraan saacad dhalashadooda kaddib. Ilmuhu waa in la naas-nuujiyaa inta aysan seexan kahor. Sidaasi haddii isla markaas aan la jaqsiin, iskuday inaad u soo listo xoogaa dhibco ee caanaha dambarka hooyada ee ku qoy faruuraheeda si ay ugu xiiseyso. Ama ku xanta-xanteey dhabanada ilmaha ibta naasaha hooyada. Wax kale ma xaqiijiyo caafimaadka ilmaha aan ka aheyn naas-nuujinta. Wixii intaa dheer ee naas-nuujinta iyo muhiimada ay leedahay siinta caanaha ugu horeeya, waxaa loogu yeeraa dambar, guji halkan.